Bukaankii ugu horeeyay oo qaliinka wadnaha dalka gudihiisa loogu sameeyay

Published: March 13, 2024

Cisbitaalka tababarada iyo cilmi-baarista Recep Tayyip Erdogan (Ex-Digfeer) ee magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay gudaha dalka ka fuliyay qaliin lagu guuleystay oo dhanka wadnaha furan ah, kaas oo loo sameeyay bukaan lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed jaamac oo 74-sanno jir ah.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac ayaa sida ay dhaqaatiirtu sheegeen waxaa loo xiriiriyay saddex xidid wadnaha oo xirnaa,taas oo uu Alle mahadii uu ku caafimaaday, isagoo haatan lagula tacaalayo gudaha cisbitaalka.

” Nabadaa dareemayaa,” ayuu yiri Cabdullaahi oo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay dhaqtarkii la tacaalayay oo Turkish ah.

” Sida caadiga ah, waxaan kugu nimid waxay tahay xaaladdaada in aan fiirino, mar walba waa lagu socodsiin doonaa, haddii aad socotid oo socodkaada uu hagaag noqdo qeybta bukaan jiifka lagu geyn doonaa,” ayuu yiri mid ka mid ah dhaqaatiirta la tacaaleysay Bukaan Cabdullaahi oo maray qaliin dhanka wadnaha ah.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo 70-sanno ah, ayaa sheegay inuu aad u xannuusanayay,islamarkaana uu jeclaa inuu aado dalka Malaysia, balse daruufta u saamixi weysay.

” Aniga aad ayaa la ii hayay kow dheh, waxaan jeclaa inaan Malaysia aado dantaa ii diiday, wax la’aanaa ii diiday, hadda Ilaahey wuxuu igu caafiyay meeshan,”.

Dadaal dheeraad ah oo ay sameeyeen agaasimaha guud ee cisbitaalka  Raceb Tayid Erdogan iyo agaasime ku-xigeenka ayaa suurta gal ka dhigtay in lagu guuleysto qaliinka dhanka wadnaha looga sameeyay Cabdullaahi Maxamed Jaamac.

” Maanta waa maalin muhiim ku ah taariikhda Soomaaliya gaar ahaan bahda caafimaadka, taariikhda Soomaaliya markii ugu horeysay waxaa la fulin doonaa qaliinka furan ee wadnaha, waxaana fulin doona koox nooga timid dalka Turkiga iyo dhaqaatiirteenna Soomaaliyeed, sida la wada ogyahay 10-kii sanno ee la soo dhaafay wuxuu cisbitaalka shacabka Soomaaliyeed u hayaa adeegyo caafimaad oo heerar kala duwan leh, waxaana daaweynay ku dhowaad 3-milyan oo bukaan,” ayuu yiri agaasimada guud ee cisbitaalka.

Waxaa qaliinkan fuliyay dhaqtarka qaliimada wadnaha Dr. Mahmad Kislaay iyo koox ka kooban toddobo qof, kuwaas oo ka yimid cisbitaalka tababarada iyo cilmi baarista qaliimada wadnaha iyo feeraha dalka Turkiga iyo dhaqtarka qaliimada wadnaha iyo xididdada ee cisbitaalka Digfeer Cabdinaafac Maxamed Xuseen oo ah nin Soomaali ah.

Maxamed Xuseen Ashraf oo ah agaasime ku-xigeenka Cisbitaalka Erdogan ayaa sheegay in ay sii socon doonaan qaliimada wadnaha ayna sii joogi doonaan dhaqaatiirta Cisbitaalka.