Burcadbadeeda Soomaalida oo $5 milyan oo dollar ku sii daayey markabka MV Abdallah

Published: April 14, 2024

Burcadbadeed Soomaali ah ayaa helay madaxfurashadii ugu horeysey muddo 10 sanado kabadan kadib.

Burcadbadeeda ayaa habeenkii xalay si rasmi ah uga degay markab xamuul ah oo laga lahaa dalka Bangladesh magiciisuna yahay MV Abdallah kaasoo burcaddu qabsatey bishii Maarso 2024.

23-shaqaale ah oo la socday markabka MV Abdullah oo ay burcad badeed Soomaali ah ku qabteen badweynta Hindiya ayaa la sii daayey muddo bil ah kadib.

Mizanul Islam, oo ah la taliyaha dhanka warbaahinta ee Kabir Group, oo ah mulkiilaha markabka, ayaa arrintan xaqiijiyay subaxnimadii Axadda.

Horseed Media ayaa ogaatey in burcadbadeedu ay isu qaybiyeen laba kooxood, kooxda hore ayaa maalintii shalay ka degay markabka halka kuwa danbe ay habeenkii xalay ka degeen kadib markii ay hubsadeen in lacagtu ay ku jirto gacantooda, ma jirto cid laga qabtey burcadbadeeda, waxaana ay hadda ku sugan yihiin deegaanada Puntland.

Burcadbadeeda ayaa lacag kaash ah oo gaareysa $5 milyan oo doolar qaatey kadib markii ay ka degeen markabka. Waa dhaqaalihii ugu badnaa ee Burcadbadeeda soo gala muddo 10 sano ka badan, arrintan ayaa awood u siineysa burcadbadeeda in ay ku maalgeliyaan weerarada ay ku soo qabsanayaan maraakiib kale.

Markabka MV Abdallah ayaa ku dhacay gacanta burcadbadeedda badweynta Hindiya taariikhdu markey ahayd 12-kii Maarso 2024, waxaa uu ka soo shiracdey dekad ku taala Mozanbiik, waxaana uu ku jeeday Imaaraadka Carabta.

HORSEED MEDIA