C/raxmaan C/shakuur “6.1 milyan oo Soomaali ah ayaa Xaalad halis ah ku sugan”

Published: May 30, 2022

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, ayaa warbaahinta la wadaagayaa xaaladda haslista ah ee abaaraha iyo arrimaha bani-aadannimada dalku marayo.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ayaa lagu sheegay in Ergeyga maalmihii ugu danbeeyay tan iyo markii la magacaabay ku howllanaa xog ururin iyo kulamo wada-tashi ah oo uu la yeelanayay hey’adaha kala duwan ee horay ugu lug lahaa arrimaha bani-aadamnimada, horumarinta iyo gurmadka abaaruha sida Wasaaradaha dalka, hey’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya arimaha musiibooyinka iyo gargaarka, xafiiska Qarmada Midoobay ee Muqdisho, safaaradaha, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeeddada xog-ururinta horudhaca ah iyo kulamada ayaa ahayd in si hufan oo degdeg ah loola tacaalo saameynta abaaraha dalka oo iminka maraya xaalad laga naxo oo u baahan tallaabo deg deg ah.

“Natiijooyinka horudhaca ah ee kasoo baxay kulamadaa iyo xog ururintaa waxaa lagu sheegay.

1: In 6.1 milyan oo qof oo Soomaali ah ay halis ku sugan yihiin

2. Wacyigelin la’aan baahsan ay ka dhex jirto bulshada

3. Gurmad iyo birmad degdeg oo loo baahan yahay

4. Deeqaha howlaha gargaarka dalka oo aad u ugu yar baahida jirta

5. Wadajir iyo wadashaqeyn dhanka siyaasadda ah in ay lagama maarmaan tahay.

Si wax looga qabto qodobada kore, waxaa degdeg loogu baahan yahay in baaqyo kala duwan loo gudbiyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo dawladaha Soomaaliya la saaxiibka ah, isla-markaana la fududeeyo qabashada howlaha hey’adaha kala duwan ee ka howl-gala arrimaha gargaarka, taas oo lagama maarmaaan u ah ka hortagga in abaartu ay macluul isku beddesho” ayuu yiri Ergayga Gaarka ee Madaxwrynaha u qaabilsan Abaaraha.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cahdishakuur wuxuu sheegay in uu bilaabayo dhaqdhaqaayo ku aaddan u kuur galida xaalada abaaraha iyo u qareemista kaalmada dhaqaale ee dibadda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *