Cabasho Horleh Oo Kasoo Yeertay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Gobolada Waqooyi

21 January, 2022

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed Boqor Buurmadoow oo ay dhinacyadiisa taagnaayeen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo qaar kamid…

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed Boqor Buurmadoow oo ay dhinacyadiisa taagnaayeen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa qaadacay doorashada Golaha Shacabka ee socota.

Boqor Buurmadoow oo ugu horreeyn la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan waxba kala socon doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland, isla markaana ay shacabka iyo Beesha Caalamka u caddeynayaan inay baxeen doorashada Soomaaliya.

“Waan ka baxnay Doorashadii Soomaaliya waxaan halkaan isugu nimid in aan u cadeyna Beesha caalamka iyo Soomaaliba’ Marka aan garan wayne cid aan kaga dacwoona Ra’iisul Wasaaraha beeshiisa xitaa waan ugu dacwoonay” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dadka la shaqeeya ugu baaqay in la joojiyo doorashada 6 kursi ee Jadwalkeeda la shaaciyay, isla markaana dib loo dhigo, si loo saxo khalalaadka jira.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *