Cabdi Xaashi Oo Sheegay Inuu Ka Qaybgalayo Shirka Dhuusamareeb

Published: February 1, 2021

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlaaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in uu maalinta berri ah ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Cabdi Xaashi ayaa ku wargeliyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor inuu maalint berri imaan doonaan Dhuusamareeb isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxaana uu Madaxweyne Qoorqoor ku bogaadiyay Gogosha taalla Magaalada Dhuusamareeb ee looga hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalka.

Waxaana uu intaas ku daray in arrimaha taagan ee looga hadlayo ay ka mid tahay khilaafaadka arrinta Xildhibaannada Gobolada Waqooyi, taasi oo horay khilaaf uu kaga dhashay.

Hoos ka akhriso:

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *