Cameroon oo ku dhawaaqday xiliga Doorashada xili ay jiraan xiisado

Published: September 8, 2020

Dowlada Cameroon ayaa sheegtay in Doorashada Dad-ban ee dalkaasi la qaban doono 6 bisha December ee sanadkan, doorashadan ayaa horudhac u ah hirgelinta nidaamka maamul daadajinta dalkaasi.

Waxaa la qorsheenayaa in doorashadan ay ka dhacdo dhamaan dowlad gobaleedyada dalkaasi laga sameeyey oo soo dooran doona Golayaashooda, si meesha looga saaro awooda badan ee ku jirta gacanta dowlada dhexe.

Go’aankan kasoo baxay Madaxweynaha da’ada ah ee dalkaasi Paul Biya ayaa kusoo beegmaysa xili ay kacdoono ka jiraan gobalada waqooyi ee dalkaasi oo ay ku nool yihiin dadka ku hadla luuqada Ingiriiska oo qaarkood gooni-u-goosad u ololeenaya.

Xiisadaha ka jira labada gobal ee waqooyiga Cameroon sadexdii sano ee lasoo dhaafay ayey ku dhinteen in ka badan 3000 qof.

Sanadkii 1996dii ayaa la sameeyey Dastuurka dalkaasi ee dhigaya nidaamka maamulka lagu baahinayo balse illaa iyo hada lama hirgelin, dastuurkaasi ayaa qoraya in nidaam doorasho dadban ah lagu soo dhiso Golayaasha Dowlada Gobaleedyada dalkaasi.

Ambazonia

Labada gobal ee waqooyiga dalkaasi oo ku hadla luuqada Ingiriiska ayaa muddo dheer ka tabanayey Dowlada dhexe oo ay awood ku leeyihiin dadyowga ku hadla luuqada Faransiiska, waxayna tani keentay in sanadkii 2017 ay ku dhawaaqaan dowlad u gaar ah oo la baxday Ambazonia.

Dowlada dhexe ayaa tan iyo xiligaasi waday olole ay kula dagaalameyso dhaq dhaqaaqa ka socday gobaladaasi.

Madaxweyne  Paul Biya oo hada ah 87 sano jir ayaa xilka hayey tan iyo sanadkii 1982, bisha November ee sanadkan ayey u  buuxsameysaa 39 sano oo uu dalkaasi ka talinayo, wuxuuna u balan qaaday labada gobal ee xiisada ka taagan tahay Ismaamul Gobaleed si xiisadan loo dajiyo.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *