Cidamo Kumaandoos ah oo Cusub oo Tababar Loogu Soo Xiray Mudisho

Published: March 5, 2020

Magaaladda Muqdisho waxaa maanta lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidamada Kumaandooska guutada Danab ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidanka gaarka ah waxaa tababar siiyay macalimiin Soomaaliyeed oo isugu jira saraakiil iyo saraakiil xigeenno ayaa waxaa maanta tababar u soo xiray hogaanka tababarada ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka cusub ayaa waxaa si gaar ah loogu tababaray maamulka iyo saadka guutada DANAB ee kumaandooska milateriga federaalka Soomaaliya.

Munaasabadiii lagu soo xirayay tababaraka waxaa ka qaybgalay Gaashaanle Sare Axmed Ciise Maxamed iyo hogaanka arimaha dibadda Gaashaanle Dhexe Maxamed Yaris Aadan iyo Taliyaha guutada Gaashaanle Ismaciil Cabdimalik Maalin iyo madax ka kala socoto USA Bancroft iyo UPDF.

Ciidanka ayaa goobta ku soo bandhigay gaado ka cayaar, kaasi oo ay si weyn ugu farxeen dhamaan saraakiishii ka qeyb gashay munaasabadda xiritaanka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *