Ciidamada ammaanka oo gacanta kudhigay kooxo argagixiso ah

Published: February 22, 2022

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay kooxo weerar Bambooyinka gacanta loo adeegsaday ku qaaday saldhigyada booliska qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka booliska oo aan la hadalnay ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in kooxda argagixisada ah ay weerartay saldhigyada booliska degmooyinka Wadajir, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, isla markaana gacanta lagu dhigay maleyshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Afhayeenka ayaa noo xaqiijiyey in warbaahintana loo soo bandhigi doono kooxihii fuliyey weerarkaas ee gacanta lagu dhigay.

Sidoo kale Cabdifitaax Aadan Xasan Afhayeenka booliska Soomaaliya waxuu noo xaqiijiyey in hadda la hayo 7-qof oo ku eedeysan inay soo weerareen saldhigyadaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *