Ciidamada Danab oo kor loo qaadayo tiradooda, Soomaaliya iyo Maraykanka oo sidaas isla gartey.

Published: September 7, 2022
ciidamada danab

Ciidamada dowaldda Maraykanku ka taageerto Soomaaliya ee kumaandooska Danab ee qayb ka ah SNA ayaa qaadanaya ciidamo cusub, taas oo qayb ka ah kor u qaadida tayadooda iyo tiradooda.

Ciidanka Danab waxaa dhismihiisa iska kaashadey dowladda Maraykanka iyo Soomaaliya, waxaana ay qaadaan hawgalo gaar ah oo lagu bartilmaameedsado argagixisada.

Dowladda Maraykan ka ayaa hoos u dhigtey taageerada ay ciidamadan siin jirtey, waxaana ay la baxeen dhamaan tababaryaashii ka joogey dalka xiligii Donald Trump, laakiin Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden ayaa qorshaha Maraykanka ee Afrika dib u soo nooleeyey.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage, wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo safiirka Maraykan ka u fadhiya Soomaaliya Larry André Jr ayaa maanta qalinka ku duugey kor u qaadida ciidanka xoogga dalka qaybta Danab.

Heshiiskan cusub ee kor loogu qaadayo tirada ciidanka Danab ayaa imaaneysa iyada oo dhawaan uu Soomaaliya booqasho ku yimid taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Michael Langley, kaas oo horey u ballan qaadey in ay xoojin doonaan hawlgaladooda Africa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *