Ciidamada DKG ah iyo kuwa Itoobiya oo qabsaday deegaanka Yurkud

Published: February 20, 2012

Ciidamada DKG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee dagaalka kula jira Al-shabaab ayaa maanta la wareegey gacan ku haynta deegaanka Yurkud ee gobolka Bay.

Dagaal culus oo dhex maray ciidamada huwanta iyo kuwa Shabaab ayaa ugu danbeyntii suurtageliyey in xoogaga xarakada Al-shabaab ay deegaankaas isaga baxaan.

Yurkud oo ay shabaabku fariisimo ciidan oo xoog leh ku lahaayeen ayaa noqonaysa goob muhiim ah oo gacantooda ka baxday, waxaana horay sidan oo kale looga qabsaday deegaano kale oo ay ku xooganaayeen.

Dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Yurkud ayaa imaanaya xili ay ciidamo badan oo Itaabiyaan iyo Soomaali isugu jira oo kasoo baxay dhinaca Doolow ay usoo dhaqaaqeen Bay iyo Bakool.

Waxaana dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh laga dareemayo magaalooyinka waaweyn ee labadaas gobo loo ah gobollo ay Shabaabku in mudo ah ka ariminiyaan aadna ugu xoogan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Yurkud ayaa ahaa mid xoogan, lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha kala gaarey labadii dhinac ee iska hor imaadku dhex maray.

Horseed Media