Ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Kenya oo galabta qabsaday degmada Badhaadhe

Published: February 2, 2012

Kadib marki ay shalay la wareegeen deegaanka Hoosingo ayey maantana xaqiijiyeen ciidamada dowlada TFG-da Soomaaliya iyo kuwa Kenya degmada Badhaadhe oo ka mid ah deegaanada ugu muhiimsan gobolka Jubada Hoose.

Degmada oo mudo ku dhawaad sadex sana ah maamulayeen ayaa waxa ka dhacay dagaalo socday mudo kooban kuwaasi oo dhexmaray ciidamada isbaheysanaya iyo kuwa Al Shabaab oo marki danbe isaga baxay.

Afhayeen u hadlay maleeshiyada Raaskambooni oo ka bar bar dagaalanyo ciidamada dowlada C/naasir Seeraar ayaa xaqiijiyey qabsashada magaalada Badhaadhe.

“Degmada waxaa ka qabsaday xarakada Raaskambooni, ciidanka dowlada iyo kuwa Kenya, wax dagaalka ah kama dhicin marka laga reebo iska caabin aan badneyn, waxaan hada sii baacsaneynaa kooxda Al Shabaab oo wali baaqi ku ah deegaano ka tirsan gobolka, inta dhiman waxaan rajeyneynaa in aan qaban doono,” ayuu yiri.

Sidoo kale afhayeenka Milateriga Kenya Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in guushii ugu weyneyd ay gaareen isla markaana Shabaab ka qabsadeen degmada Badhaadhe oo uu sheegay inuu jab xoog leh kasoo gaaray al Shabab.

Ciidamada dowlada ayaa shalay qabsaday deegaanka Hoosingow oo ka mid ahaa deegaanada hoos yimaada degmada Badhaadhe.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan dagaalki maanta ka dhacay degmada Badhaadhe.

Horseed Media