Ciidamada Dowladda oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab

Published: December 30, 2022
Shares4

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si buuxda Al-Shabaab ugala wareegtay deegaanada Gandarshe iyo Jilib Marka ee hoostaga magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowladda ayaa shaacisay in howl-galo qorshaysan oo ay sameeyeen ciidanka ammaanka khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Ciidamada kala duwan ee Dowladda ayaa horay waxay howlgallo ballaaran uga sameeyeen deegaano badan oo ku yaala inta ku dhaxaysa Muqdisho ilaa Marka.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa weli sii xoogeysanaya, ayada oo dhawaan ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaano badan oo muhiim ah.

Horseed Media