Ciidamada Jubaland oo hawl-gallo ka fuliyay jubada hoose.

Published: March 9, 2020

Ciidamo ka mid ah kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalo ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay degaanada Qudus, Kaamjaroon, Beer-Xaani iyo Janaay Cabdalle, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalkaas laga sameeyay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, isla markaana aysan la kulmi wax iska caabin ah oo uga yimid dhanka Al-shabaab inta uu socday howlgalka.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *