Ciidamada Nabad Sugidda ee NISA oo howlgal ka fuliyey magaalada Muqdisho

Published: July 12, 2022
Ciidamada NISA

Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan ka fuliyey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho.

Howlgallada oo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah, hub iyo maan-dooriye ayaa laga sameeyey degmooyinka Kaxda iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee lagu sugayo amniga, isla-markaana lagula dagaalamayo burcadda hubeysan iyo kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *