Ciidamada PSF oo gacanta ku dhigay xubno looga shakiyey inay la shaqeenayeen Daacish

Published: June 3, 2024

Ciidanka Amniga Puntland ee PSF oo magaalada Boosaaso ka fuliyay hawlgal lagu xoojinayo amniga ayaa soo qabtay xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.

Hawlgalkan ayaa lagu baadi-goobayey tuhmanayaasha lasoo qabtay oo la aaminsan yahay in ay Daacish u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada deegaanka.

Ciidanka ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan saddex qof oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha falalka lagu khal khal gelinayo amniga gobalka Bari, waxaana ku socda baaritaan.

Kooxda Daacish ayaa sanadihii lasoo dhaafay waday dadaal ay sare ugu qaadeyso dhaq dhaqaaqooda buuraleyda gobalada Bari iyo Sanaag, iyadoo la sheegay in dhawaan ay la wareegeen goobo ay horey ugu dhuumaaleysan jireen maleeshiyaadka Al Shabaab ee dhulka buuraleyda ah ee Golis iyo Calmadow.

Horseed Media