Ciidamada Puntland oo hub iyo maandooriye kusoo bandhigay magaalada Garoowe

Published: June 9, 2024

Ciidamada horumarinta amniga caasimadda Puntland ee Garoowe iyo maamulka gobolka Nugaal ayaa maanta soo bandhigay hub iyo maandooriye lagu soo qabtay hawgaladii la sameeyey.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa warbaahinta u sheegay in ay magaalada Garowe ka nadiifiyeen hubkii sharci darrada ahaa ee shacabka gacanta ugu jiray, howgalka inta uu socdayna uu ku geeriyooday hal qof oo shacab ah iyo dhaawac kale.

Dhowrkii cisho ee ugu dambeeyey ayey ciidamada Puntland waxay hawgalo ka bilaabeen gudaha caasimadda Garoowe, isla markaana waxaa la mamnuucay saamalaylka iyo dadka habeenkii banaanada ku caweeya.

Horseed Media