Ciidamada Ukraine oo dib u xoreeyey deegaano ka tirsan gobalka Donetsk

Published: June 12, 2023
Shares24

Ukraine ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay saddex tuulo ka qabsadeen ciidamada Ruushka ee ku yaalla koonfur-bari ee dalkaasi, waana deegaannadii ugu horreeyay ee la xoreeyo tan iyo markii ay ciidamada Ukraine bilaabeen weeraro rogaal celis ah.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa Axadii shalay sheegtay inay iska caabinayso weerarrada Ukraine. Qoraal ay soo saartay ayaa lagu sheegay inuu fashilay isku daygii ciidamada Ukraine ee koonfurta Donetsk iyo nawaaxiga magaalada Zaporizhia ee jiidda hore.

Deegaanada Koonfur-bari ayaa ah yoolka ugu muhiimsan oo ay hada diirada saarayaan ciidamada Ukraine maadaama; dib u qabsashada dhulkaas ay u sahleyso inay weerari karaan buundada dhulka ee Ruushka ilaa Jasiiradda Crimean, si ay dhexda uga kala jaraan aagaga ay ku sugan yihiin ciidamada Ruushka.

Horseed Media