Ciidamada xoogga dalka oo burburiyay saldhig Al-Shabaab ay ku lahayeen Jambaluul

Published: March 12, 2022

Ciidanka xooggga dalka, gaar ahaan guutada 7-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah maleeshayada Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobalka shabeellaha hoose.

Ciidamada oo howlgalka si gaar ah kaga fuliyay deegaanka Jambaluul ayaa ku bur buriyay saldhigii Al-Shabaab halkaas ku lahaayeen, sidoo kale, waxay ciidamada cagta mariyeen goobo nabad-diidka shacabka ku dhibaateyn jireen.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa howlgallo kale ka sameeyay Tuulooyinka kala ah, Banana, Sardhagool iyo wadada Xariirisa Afgooye iyo degmada Balcad, waxayna Howlgalladan qeyb ka yihiin howlgalada ay ciidamada xoogga dalka ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *