Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka wada gobalka Shabeellaha Dhexe

Published: October 17, 2022

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab waxaa ay ka wadaan degaano iyo degmooyin katirsan Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada oo shalay gelinkii hore la wareegay degaano kuyaalla Bariga degmada Balcad ayaa saaka howlgallo Amniga lagu xaqiijinaya ka wada degaannada, Mukaydheere, Shanlow, Dhaqaxow, Jameeco, Xawaadkeey iyo degaano kale, halkaas oo dhawaan laga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgallada oo ay hoggaaminayo Xildhibaan Ismaaciil Xaadoodle iyo saraakiil kale oo katirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga saarayo al shabab goobaha ay kaga dhumaleysanayaan ee degaanda katirsan Gobalka Shabeellaha Dhexe.