Ciidamadda Gorgor oo sameeyey howlgal ka dhan ah Al shabaab

Published: May 26, 2022

Ciidamadda Kumaandooska ee Gorgor ayaa howlgal gaar ahaa ka sameeyey saldhigyo Al Shabaab ay ku lahaayeen tuulooyin u dhow deegaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan waxa uu si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Tawakal iyo Balow, wararka waxey sheegayaan in tuulada Tawakal ay ciidamada ku gubeen Doon dheereysa oo ay lahaayeen Shabaab, taasoo ay isaga kala gudbi jireen tuulooyinka Bariire hoostaga.

Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Sheekh oo howlgalkan hoggaaminayay ayaa sheegay in Doonida ay gubeen Shabaabku ku raran jiray lacagaha iyo wixii kale  ay shacabka ka qaadaan.

Deegaanada howlgalada laga sameeyay waxaa wali ku sugan ciidanka xoogga dalka, iyadoo kooxdii Shabaab ay goobta isaga baxsatay, lama oga in ciidamadda Kumaandooska ee Gorgor goobaha ay iska sii joogi doonaan ama ay isaga tagi doonaan sidii hore looga bartay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *