Ciidamadda Kumaandooska DFS oo howlgalo ka wada Jubbada hoose.

Published: March 10, 2020

Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka aa sheegay in ay hawlgalo ka wadaan Gobolka Jubbada hoose kaas oo ujeedkiisu yahay in maleeshiyaadka Al-shabaab laga saaro tuulooyin ay ku dhuumaaleeysanayeen, Alshabaab ayaa isagga baxday goobahaas ka dib markii ay ka warheshay in ciidamo ka tirsan DFS kusoo wajahan-yihiin.

Tuulooyinka ciidamadda howlgalada ay ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Qudus, Berxani, Kanjaron iyo Jana-Cabdale, tuulooyinkani oo dhammaantood ay la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka, waxay la kulmeen shacabka ku dhaqan.

Taliyaha Ururka 5aad Guutaada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab Gaashaanle_Xasan_Aadan_Ciraaqi oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka-Sida ayaa shacabka ku dhaqan Jubbooyinka ugu baaqay inay ciidamadda la shaqeeyaan si loo ciribtiro haraadiga maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *