Ciidamo Itoobiyaan ah oo qarax lagula eegtay Beledweyne

Published: February 1, 2012

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beldweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay qarax lagula eegtay xaafada Nuur Xawaad ciidamo Itoobiyaan ah.

Ciidamadaan oo si saf ah ugu lugeynayey meel wadada Buunda-weyn ee ku taala dhinaca bari ee magaalada ayaa la sheegayaa in lagu qarxiyey miino kuwa la dhigo wadada dhinaceeda taasi oo qaraxeedana laga maqlay dhamaan magaalada.

Qaraxa kadib ayey ciidanka Itoobiya halkaasi ka sameeyeen howlgalo iyaga oo xiray dhamaan wadooyinka soo galo xaafada Nuur Xawaad sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Wali lama oga qasaaraa ka dhashay miinada lagu qarxiyey ciidanka Itoobiya, sidoo kale ma jirto cid sheegatay weerarkaasi.

Dhawaan ayey aheyd marki qof naftii hure ah uu ciidamada Itoobiya ku weeraray xarunta Gobolka ee magaalada Beledweyne isaga oo isku qarxiyey albaabka hore oo ay xiligaasi joogeen ciidamo u badnaa Itoobiyaan.

Horseed Media