Ciidanka Amniga Puntland ee PSF oo warsaxaafadeed kasoo saaray eedayntii Taliye Muumin

Published: June 5, 2024

Ciidamada Difaaca Puntland ee PSF ayaa war qoraal ah kasoo saaray afduub lagu sameeyey afhayeenka ciidanka PSF, Maxamuud Jamaal iyo eedaymo uu ciidankaasi u jeediyey Taliyaha Booliska Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire.

WAR-SAXAAFADEED

Ciidanka Amniga Puntland ee PSF waxay u taagan yihiin sugidda amniga, la-dagaalanka kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish iyo helida xoggaha lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland.

Haddaba, waxaa ayaan darro ah in Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire in uu eedeyn aan sal iyo raad lahayn u jeediyo ciidamada PSF.
Sida la wada og yahay dhacdadii sanadkii 2022 maalin jimce ah ciidanka PSF oo sugaya amniga xeebta ka dambaysa xarunta PSF ayaa waxaa yimid halkaas ciidamo Boolis ah, kuwaas oo rasaas ku furey ciidanka PSF, waxayna ahayd dhacdo la wada xusuusto, khaladkeedana ay Boolisku qaateen.

Dhacdada labaad ee ka dhacdey maanta oo Arbaca ah magaalada Boosaaso ma ahayn qorshe ama amar ka soo baxay PSF, sida la wada ogyahay ciidanku waxay ka soo kala jeedaan qabaa’il kala duwan, qaar kamid ah ciidanka PSF oo qaraabadooda lagu xirtay Saldhigga dhexe ee Boosaaso haddii ay ku lug yeesheen macnaheedu ma ahan in ay ahayd amar ciidan ama wax PSF ka danbaysey, horey waa u dhacday dhacdo caynkan oo kale ah oo ka dhex dhacday ciidamada kala duwan, PSF waxay horey u xirtay ama u ciqaabtay ciidamo sidaan oo kale arrimo qaraabo ku lug yeeshay, haatana waxaan kala xiriirnay arrintan taliska qaybta gobolka Bari.

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Shire waxa uu been ka sheegay dhacdadii ka dhacdey Garoowe maalintii Talaadada ee lagu afduubtay Afhayeenkii PSF Maxamuud Jamaal Dooxo, Taliye Muumin waxaa uu afkiisa ka sheegay waraysiga uu siiyey VOA in Afhayeenka PSF uu doonayey in uu qayb ka noqdo fal danbiyeed; Haddiiba aan ka dhigno sida uu Taliye Muumin hadalka u dhigay doonitaanka denbiile laguma noqdo ilaa qofku uu sameeyo ficilka denbiga.

Siday wax u dhaceen ayaa ahayd, Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida & Dembiyada Culus ee gobollada Nugaal iyo Sool ee Garoowe ayaa waxay ku siideysey warqad summaddeed tahay MDK/CQS/D- C/G/N&S/344/2024 rag uu Taliye Muumin ku sheegay burcad-baddeed, ragaas oo ay Maxkamaddu caddeysay inaan wax danbi ah lagu hayn, Taliyaha ayaa sii deynta waxa uu ku sheegay si khaldan in ay ahayd waxaana uu ka hor yimid go’aanka Maxkamadda. Wuxuuna isbaaro u dhigtey nimanka lagu waayey denbiga. Boolisku waxay leeyihiin eedeynta tuhmanaha oo kaliya, waxaase eedaysanaha ka dhigta danbiile Maxkamadda.

Afhayeenka PSF Maxamuud Jamaal Dooxo waxa uu ku sugnaa maxkamadda xilliga la sii daayey niman ay qaraabo ahaayeen, waxaan caddaynaynaa in sharci darro lagu xiray laguna afduubtay taasina ay leedahay cawaaqib xumo in qof aan denbi gacanta kula jirin la xirto, waxaan dalbanaynaa in afhayeenka PSF Maxamuud Jamaal Dooxo xoriyaddiisi loo soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan.

Ugu danbayn, PSF waa laan ka mid ah laamaha amniga Puntland, ma jirto xasarad ka dhaxayn karta iyaga iyo Bool- iska Puntland, waxaana u taaganahay la dagaalanka argagsixisada iyo sugidda amniga.

Horseed Media