Ciidanka Booliska Puntland oo ka wada hadlay falalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay caasimadda Garoowe

Published: June 13, 2024

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa gudoomiyay Shirka todobaad laha ah ee Hoggaanada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

kulanka waxaa ka qayb galay Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka booliska S/guuto caydiid Axmed nuur,Taliye ku xigeenka 2aad ee ciida ka Booliska S/guuto Cismaan Cigge,Hogaanadda booliska iyo fadhiyada madaxa banaan.

Shirka ayaa todobaadkan looga hadlayay xaaladda amniga ee Puntland, shaqada ciidamada horumarinta caasimadda Garoowe iyo falalkii ugu dambeeyey ee dhacay, diyaar garowga sugidda amniga doorashada qof iyo cod ee lafilayo in ay ka qabsoonto degmooyinka Garowe, Godobjiiraan iyo Dangoronyo, waxaana warbixin laga dhagaystay shirka hogaanadda dhacdooyinkii dhacay iyo qodobo kale.

Horseed Media