Ciidanka dowladda Soomaaliya oo mar kale la wareegay deegaanka Yasooman

Published: October 4, 2022
Shares32
Ciidanka dowladda Soomaaliya oo mar kale la wareegay deegaanka Yasooman

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka gobolka Hiiraan ayaa mar kale la wareegay gacan ku heynta deegaanka Yasooman ee Bariga gobolka Hiiraan.

Sida ay qortey warbaahinta dowladda Soomaaliya, Yasooman, ayaa kamid ah deegaanadii dhawaan ciidanku dowladdu kasoo baxeen, taasoo saraakiisha ciidanku ku sheegeen xeelad dagaal.

Ciidamada ayaa haatan baaris iyo miino saar ka wada gudaha deegaanka Yasooman.

Kooxda Al-shabaab ayaa isaga baxay deegaankan iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin.

Horseeed