Ciidanka Xoogga dalka oo gaaray deegaan ku dhow Masjidka Cali Gaduud ee gobolka Sh/dhexe

Published: October 4, 2022
Shares16

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa gaaray deegaanka Geel-gub oo kaabiga ku haya halka loo yaqaano Masjidka Cali Gaduud ee gobolka Shabeelada dhexe.

Sida lagu baahiyey warbaahinta Dowladda Ciidanka hada gaaray Deegankan Geel-gub ayaa ah Ciidan xalay ka baxay Magaalada Muqdisho si ay uga qeeyb qaataan dagaalka ka dhanka Kooxda Al-shabaab.

Ciidamada iyo Sarakiishii hoggamineysay ayaa sheegay in si nabad ay ku galeen deegaankaas hadana ay Ciidanku howlgallo ka wadaan.

Dhanka, qabsada ciidamada Dowlad ee deegaanka ayaa ku soo aadeysa iyadoo Kooxda Al-shabaab ay maanta goobta Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelada dhaxe ku soo bandhigeen dad shacab ah oo hubeysan kuwaas oo ay ku sheegeen inay la dagaalami doonaan ciidamada Dowladda.

Horseed Media