Cudurka Covid-19 ayaa Dilay Labo Boqol oo Kun oo Qof

Published: April 25, 2020

Cudurka corovaviurs (Covid-19) ayaa guud ahaan caalamka ku dilay dadka kabadan 200,000 kun qof sida lagu xaqiijiyay warbixin ay soo saartay Jaamacada Johns Hopkins ee dalka Maraykanka.

Tirada dadka uu cudurku ku dhacay ayaa haatan ku dhow Saddex Milyan qof guud ahaan. Saddex meelood labo meel tirada kiisaska Covid-19 ayaa ka dhacay wadanka Maraykanka iyadoo tirada dadka uu ku dhacay ay ku sii siqayso Hal Milyan qof, halka dhimashaduna ay tahay 52 kun qoof.

Dadka cudurka ugu dhintay wadamada Talyaaniga, Spain, France , belguim iyo Uk ayaa gaadhay in ka badan 100 kun qof

Madaxda Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus wuxuu sheegay in tirada wadamada uu saameeyay cudurku ay gaadheen 2010 dal, waxaa uu tilmaamay in wamada Galbeedka Yurub uu fiditaanka cudurka uu hoos u dhacay halka wadamada Aasiya, Laatiin America iyo Afrika qaarkood uu hadda bilow yahay.

11 bishii Janaayo ayaa warbaahinta dowladda Shiinuhu waxay soo tabisay kiiskii u horreeyay ee cudurka Covid-19

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *