Culimada Garissa oo laga codsaday in bulshada ay ku booriyaan muhiimada nadaafada

Published: November 4, 2019

Olole dib loogu soo celinayo bilicda iyo nadaafada ayaa maanta ka dhacay magaalada Garissa ee xarunta u ah gobolka Soomaalida Kenya ee Waqooyi Bari.

Ujeedada ololaha nadaafada oo loogu magac daray ” Ilaali Nadaafada ” halka aad ku nooshahay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasiirka Dhulka iyo Hormarinta Magaalooyinka Garissa.

Barasaab ku xigeenka aagaasi Cabdidhaqane Maxamed ayaa sheegay in nadaafada aysan kaliya ka shaqeyn karin dowlada balse looga baahan yahay in shacabka naftooda ay ka qeyb Qaataan.

Wasiirka Dhulka Maxamed Cabdi Shaale ayaa sheegay in bil waliba ay sameysan doonaan ololahan isagoo dhanka kale ka codsaday culimada in dadweynaha ay ku booriyaan muhiimada nadaafada.

Arintaan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari Kenya ay ka da’ayaan roobab lagana cabsi qabo in ay ka dhashaan cudurada shuban biyoodka iyo Duumada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *