Cumar Cabdirashiid oo ka digey in dalku galo qalalaase ay beesha Caalamku soo faro geliso

Published: March 24, 2024

Cumar Cabdirashiid Cali oo hore dalka laba jeer ka soo noqdey raysalwasaare ayaa dhaliiley sida ay Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh u waddo dhamaystirka dastuurka taas oo ku dhisan wadatashi la’aan iyo waxaan la isla oggoleyn.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay dabada ka riixaysaa dastuur cusub iyada oo og in uu ka maqan yahay guud ahaan in dadka iska leh lagu wada qanciyo. Baarlamaanka 11-aad oo cadaadis saaran yahay ayaa laga yaabaa inuu meel mariyo nooca cusub ee dastuurka la soo jeediyay, laakiin ma ahan mid ku dhisan wada-tashi qaran, natiijadaas oo kale waxay noo horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed oo albaabada u furi doona faragelinta beesha Caalamka.

Cumar Cabdirashiid ayaa bartiisa X ku qorey sidaas

Rasalwasaare Cumar ayaa sheegay in dastuurka ku meel gaarka ah uu soo maray hannaan la tashiyo ballaaran. In nidaamka Madaxweynaha & hal deegaan doorasho loo maro baarlamaanka iyadoo halku-dhiggiisu yahay dhamaystirka dastuurka waa suurtogal. Laakiin udub dhexaadka arrintu waa in sharcinimadeeda ay u baahan tahay is-afgarad ballaaran, taasna kuma imaaneyso in loo maro baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in uusan wax gorgortan ah ka gelyn dhamaysirka dastuurka inkasta oo lagu eedeeyey in aysan ahayn dhamaystir ee uu wada beddalay dasuurkii heshiiska lagu ahaa.

Horseed Media