Cumar Cabdirashiid oo taageeray dedaalka dowladda federaalka ee dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab

Published: September 1, 2023
Cumar Cabdirashiid Sharmaarke

Ra’isulwasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya lagu taageero dagaalka ka dhanka ah Al-shabab, sida uu ku sheegay qoraal uu kusoo daabacay bartiisa shabakadda X (Twitter).

“Al Shabab waxay khatar ku tahay jiritaankeenna, waana inaan ku taageernaa dowladda dadaalka ay ugu jirto ciribtirka khatartaas” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo laba jeer soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

“Sida cad, dib-u-habaynta xeeladaha iyo ciidamada waa lagama maarmaan, laakiin waa inaan sidoo kale qirno shaqada wanaagsan ee ay ciidamadeenna xoogga dalka iyo kuwa difaaca madaniga ay ka qabteen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab” ayuu raaciyay.

Baaqa Cumar Cabdirashiid ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble ay ku baaqeen in la taageero dagaalka ka dhanka ah Al-shaab.

Horseed Media