Dab xooggan oo burburiyey qeybo kamid ah Suuqa Xamar-weyne

Published: November 18, 2023

Waxaa lagu guuleystay daminta dab xooggan oo qabsaday qeybo kamid ah Suuqa Xamar-Weyne.

Dabka ayaa ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz. Wuxuuna ku fiday qeybaha kale sida Suuqa Dahablaha & kawaanka Hilibka.

Guddoomiyaha Banaadir Yuusuf (Madaale) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa ku bogaadiyey maamulka & dadkii ka qeyb qaatay daminta dabkaas.

“Waxaan daminnay dabkii kacay, waxaana si gaar ah ula xisaabtami doona shirkadaha Korontada,”

Guddoomiye Madaale

Dabkan oo khasaare xooggan dhaliyey ayaa wali maamulka sheegin cadadka hantida ku baa’baday, iyadoo qaar kamid ganacsatada halkaas sheegeen in hanti waxii halkaas u yiilay dabku la tagay.