Dabley hubeysan oo Gaarisa dad ku laayey

Published: February 4, 2012

Dabley hubeysan ayaa magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya labo qof ku diley xalay, labo kalena ku dhaawacay.

Dadka falkan geystey oo aan weli la aqoonsan ayaa iyaga oo wejigu u duuban yahay rasaas ku furayrag fadhiyey iridda hore ee Hotel lagu magacaabo Jubba kaas oo ku yaala jidka Kismaayo-Road.

Labada qof ee geeriyootey ayaa ah labo nin oo dhalinyaro ah oo lagu kala magacaabi jirey Mowliid Cali Dibaale, iyo Cabdinuur Xuseen, waxaana labada dhaawaca ah oo kala ah Sheekh kasoo jeda gobolada Jubbooyinka oo la yiraahdo Sh. Maxamuud Cumar Fayn iyo Ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Nuur Yuusuf lagu dabiibayaa Isbitaalka weyn ee magaalada Gaarisa.

Taliyaha ciidamada Booliska ee gobolka waqooyi bari Kenya Leyo Engoza oo markii uu falkaasi dhacay kadib Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Boolisku ay ku raadjoogaan raggii dilka geystey sida ugu dhakhsaha badanna gacanta loogu soo dhigi doono.

Booliska ayaa xalay baaritaano xoogan ka sameeyey guud ahaan magaalada Gaarisa , goobaha ay sida aadka ah u baareenna waxaa kamid ahaaa Hotelada, waxaaa sidoo kale xalay la xiray jidadka u dhow dhow goobta ay wax ka dheceen.

Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli amaanka magaalada Gaarisa uu dhowrkii todobaad ee ugu danbeeyey ahaa mid aad u wanaagsan, waxayna cabsi iyo wel wel hor leh ku abuurtay guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolka waqooyi bari Kenya.

Waa weerarkii ugu horeeyey ee noociisa ah kaasoo si bareer ah dad Soomaali ah loogu toogto bartamaha magaalada Gaarisa tan iyo intii ay falalka amaan darida ahi kasoo cusboonaadeen gobolka waqooyi bari Kenya gaar ahaan magaala madaxdiisa Gaarisa.

 

Horseed Media