Dacwad oogaha Maxkamadda ICC oo gaarey Khartuum

Published: October 18, 2020
Madaxweynihii hore ee Sudan waxaa raadineysa Maxkamadda denbiyada ee caalamiga ah ICC

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalka Suudaan ayaa sheegtay in dacwad oogayaasha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada uu yimid caasimada Khartuum si uu ugala hadlo wada shaqeynta kala dhaxeysa maamulka sidii loo maxkamadeyn lahaa kuwa sida caalamiga ah ee loo raadinaayo ee dambiyada dagaal iyo xasuuqa colaada Darfur ku eedeysan oo uu ku jiro madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir.

Al-Bashiir, oo ku xirnaa xabsi ku yaal Khartoum ka dib markii ay militariga ka saareen madaxtooyada, bishii Abriil ee sanadkii hore ka dib mudaaharaadyo bilooyin socday oo looga soo horjeeday xukunkiisa, ayaa waxaa dooneysa maxkamadda ICC iyadoo lagu eedeeyay xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay Daarfuur, taasi oo bilaabatay 2003 ayna ku dhinteen dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof.

Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogaha ICC ayaa u xaqiijiyay wakaalada wararka ee AFP in “Bensouda iyo wafdi ka socda xafiiskeeda ay joogi doonaan Khartoum maalmaha soo socda si ay ugala hadlaan iskaashiga ICC-Sudan”.

Xafiiska ra’iisul wasaare Abdallla Hamdok ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dacwad oogaha ICC Fatou Bensouda iyo saraakiil kale oo ka tirsan maxkamada ay sii joogi doonaan Suudaan ilaa Arbacada. Waa booqashadii ugu horreysay ee la shaaciyo ee Bensouda ku tagto Suudaan.

“Wafdiga ICC waxaan ka wada hadli doonaa qaababka iskaashiga u dhexeeya Dowlada Suudaan iyo ICC ee la xiriira tuhmanayaasha ay ICC soo saartay waaran qabasho,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo aan magacaabin mid kamid ah tuhmanayaasha.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *