Dadweynaha Muqdisho oo Banaanbax Ku Taageeray Heshiiska Difaaca Turkiga & Soomaaliya

Published: February 24, 2024

Banaanbax balaaran oo uu soo qaban-qaabiyey Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay garoonka Ciyaaraha Eng Yariisow ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.

Banaanbaxan ayaa lagu taageeray heshiiska dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha, kaas oo uu dhawaan ansixiyay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Maamulka Gobolka Banaadir, Arday iyo dadweyne kale oo fara badan ayaa ka qeyb-qaadanaya Banaanbaxa, waxaana goobta ka muuqdo boorar ay ku xardhanyihiin xiriirka wanaagsan ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxda goobta ka hadashay ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid fursad wayn u ah labada dal gaar ahaan Soomaaliya oo xiligan ku jirta marxalad ay u baahan tahay saaxiib sida Turkiga oo kale ah, waxayna sheegeen in damaca gurracan ee Ethiopia uusan marna ka hirgaleynin Soomaaliya.

Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa qayb ka ah dadaalada dowladda ku bixineyso dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Horseed Media