Dagaal ayaa ka qarxay duleedka degmada Badhaadhe

Published: February 7, 2012

Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada DKG iyo kuwa Kenya oo iskaashanaya iyo mileeshiyada Al-shabaab ayaa maanta ka qarxay deegaanka Dalaayad oo ku yaal duleeka degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.

Dagaalkan oo sida wararka lagu helayo ah mid aad u xoogan ayaa qarxay kadib markii ay ciidamada huwanta ah ee is garabsanayaa weerar ku qaadeen tuulada Dalaayad oo ay xoogaga Shabaabku fariisimo ciidan ku leeyihiin.

Dadweyne aad u tira badan ayaa ka barakacay aaga uu dagaalku ka bilowday inkastoo ay inta badan dadkii deegaankaas ku noolaa horay nafahooda ugala baxsadeen duqeymaha diyaaradaha dagaalka ee Kenya oo beryihii u danbeeyey tuulada Dalaayad iyo agagaarkeedaba joogto ka noqday.

Dhawaqa rasaasta iyo diryanka madaafiicda ay labada dhinac isku ridayaan ayaa laga maqlayaa goobo aad uga durugsan halka uu dagaalku ka socdo , lamana oga ilaa iyo hada khasaaraha dhinacyada uu dagaalkaasi u dhexeeyo kala gaarey.

Goobta uu dagaalkaasi saaka ka qarxay waa deegaan lagu magacaabo Dalaayad, waxayna qiyaastii 25km dhinaca bariga kaga beegan tahay degmada Badhaadhe.

Xoogagga Shabaab ka tirsan ee deegaankaas fariisimaha ciidan ka samaystayna waxay u badan yihiin kuwii dhowaan kasoo baxay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.

 

Horseed Media