Dagaal beeleed ka dhacay South Sudan oo lagu dilay 56 qof

Published: December 28, 2022
Shares24

Dagaal afar maalmood ka socday gobolka Jonglei ee bariga Suudaanta Koofureed ayaa lagu dilay 56 qof, kadib markii dhallinyaro ka tirsan qabiilka Nuer ay weerar ku qaadeen qowmiyad kale.

“Dhalinyaro hubeysan oo Nuer ah ayaa 24-kii Disembar billaabay inay weeraraan bulshada Murle ee ka tirsan degmada Gumoroc iyo gobolka Likwangole”, ayuu yiri Abraham Kelang, oo ah sarkaal ka tirsan dowladda ee gobolka Greater Pibor.

Dadka dhintay ayuu sheegay in 51 ka mid ah ay ahaayeen Nuer, halka 5-ta kale ahaayeen Murle.

Gobolka Koonfurta Suudaan oo xornimadiisa ka qaatay Suudaan sannadkii 2011-kii, ayaa waxaa muddo tobannaan sano ah ka socday dagaallo dhiig badan ku daatay iyo isku dhacyo ay sababeen xoolo iyo dhul ah.

Howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee UNMIS ayaa toddobaadkii hore sheegay in dhalinyaro hubeysan oo kasoo jeeda qabiilka Murle la abaabulayo kahor duulaanka laga yaabo in lagu qaado qabiilka Murle.

Horseed Media