Dagaal ka bilowdey magaalada Laascaanood

Published: February 6, 2023
Shares90

Subaxnmadii hore ee maanta oo isniin ah ayaa rasaas xooggan ka bilaamaey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, dagaalka ayaa u dhexeeya dadka deegaanka iyo ciiidamada Somaliland.

Waxaa maanta la sugaayey in la soo afmero shirkii aaya ka tashiga gobolada SSC oo ay hormuud ka ahaayeen Isimada deeaankaas, go’aanka oo hordhiciisu shalay soo baxay ayaa Somaliland ciidamo badan xalay soo gelisey magaalada si ay uga hortagaan go’aanka, taas oo keentey in dagaalku bilowdo.

Dagaalka ayaa ka bilowdey aaga buurta Sayidka o fariisin u ah ciidamada deegaanka, halkaas oo kuwa Somaliland ku weerareen.

Dad badan ayaa magaalada isaga baxay oo ka qaxay kuwaas oo badankood gaarey Garoowe iyo deegaano kale.

Somaliland oo war saxaafadeed soo saartey ayaa sheegtey in maanta lagu soo duuley xarunta masuuliyiintedu kaga sugan yihiin Laascaanood, isla markana laga dhaawacay laba askeri.

Horseed media