Dagaal ka qarxay deegaanno katirsan gobolka Sool

Published: May 16, 2023
Shares40

Dagaal culus ayaa aroornimadii hore ee saaka ka qarxay deegaanada Samakaab iyo DhabanSaar oo katirsan gobalka Sool.

Deegaanadan ayaa Laascaanoo uga beegan dhinaca Hargeysa masaafo durugsan, waxaana uu u dhaxeeyaa dadka deegaanka iyo Ciidanka Somaliland.

Dagaalka ayaa socday muddo ku dhow saacad, iyadoo ay Somaliland xooga saarayso in ay ciidamada deegaanka ee goobahaas kusugan ka durjiso wadada dheer ee laamiga ah, oo u ah calaqadka muhiimka ah ee ay Sahayda, dhaawacyada iyo Saadkaba u maro taliska Goojacade.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa xalay u hoyday magaalada Burco, isagoo lafilayo in uu soo gaaro isla maanta magaalada OOG ee gobalka Sool, taas oo masaafo kooban u jirta deegaanada dagaalkan saaka kasocdo.

Horseed Media