Dagaal khasaare sababay oo ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Published: July 14, 2022

Dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa xaley ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka, kadib uu dagaal foolka fool ah dhex-mnaray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaciyey inay ka hortageen weerarka lagu soo qaaday, ayna khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaase lagu soo warramayaa in ciidamada Xoogga dalka ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen agagaarka deegaanka Janaale ee gobolka Sh/ Hoose.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *