Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Ahlusuna oo ka socda Guriceel

Published: October 23, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeh ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug oo isku dhinac ah iyo xoogaga hubeysan Ahlusunna uu ka qarxay gudaha magaalada Guriceel xili xalay Ciidamada Dowlada ay galeen xaafado kamid ah Guriceel .

Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo labada dhinac ay gudaha degmada ku dagaalamayaan ,ciidanka huwanta ah ayaa dhowr jiho kasoo weeraray xooggaga Ahlusuna ee la dagaalamaya.

Inta badan dadkii ku noolaa degmada Guriceel ayaa horey uga barakacay halkaasi kadib markii ay soo foodsaartay cabsi la xiriirta dagaal dhexmara kooxda Ahlusunna iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *