Dagaal u dhexeeya AMISOM iy Al-Shabaab oo ka qarxay duleeka Muqdisho

Published: February 14, 2012

Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ayaa saaka ka qarxay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Surkuusta.

Dagaalkan oo saameyn ku yeeshay isu socodkii gaadiidka ee wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho ayaa qarxay kadib markii ay saaka ciidamada AMISOM bilaabeen inay isku fidiyaan duleedka Muqdisho oo aysan horay marnba u gaarin.

Goobaha ay maanta ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM isku balaariyeenna waxaa kamid ah Jaamacadii Shabeelle oo ku taal meel u dhow km13 oo ah goob ay Shabaabku fariisimo ciidan ku leeyihiin.

Qoysas badan oo kamid ah kuwii horay gudaha magaalada Muqdisho uga cararay ayaa saaka bilaabay inay dib uga barakacaan duleedka Muqdisho gaar ahaan aagga uu saaka dagaalku ka qarxay.

Diryanka madaafiicda iyo rasaasta ay labada dhinac isku ridayaan ayaa laga maqlayaa goobo ka baxsan halka uu dagaalku ka socdo, lamana oga ilaa iyo hada khasaaraha kala gaarey labada dhinac ee ay dirirtu u dhexeyso.

Wixii kasoo cusboonaada dagaalka ka socda jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho wararkeena danbe ayaan idiinku soo gudbin doonnaa.

 

Horseed Media