Dagaal u dhexeeya ciidamada Dooxada Shabeele iyo kooxo Mileeshiyo ah ayaa Beledweyn ka socda

Published: February 11, 2012

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka dooxada Shabeel iyo kooxo mileeshiyaad ah.

Dagaalkaas oo maanta duhurkii bilowday ayaa weli socda, waxaana wararkii ugu danbeeyey ee aan Beledweyn ka helnay ay sheegayaan in ilaa iyo hada la xaqiijiyey dhimashada 3-qof oo dhinacyada dagaalku u dhexeeyo ka kala tirsan.

Lama oga ilaa iyo hada sababta uu dagaalkaasi ku bilowday waxaase qaar kamid ah mas’uuliyiinta maamulka dooxada Shabelle oo Saxaafadda la hadlay ay sheegeen inay la dagaalamayaan kooxo Al-shabaab taageersan.

Goobta uu dagaalkani ka socdo oo ah xaafadda Howlwadaag ayaa waxaa gebi ahaanba hakad galay isu socodka gaadiidka iyo weliba ganacsiga, wuxuuna sidoo kale saameyn ku yeeshay qaybo badan oo kamid ah magaalada.

Wixii warar ah oo dagaalka maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka bilowday kasoo cusboonaada saacadaha soo fool leh ayaan idiin soo gudbin doonnaa.

 

Horseed Media