Dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka Bacda ee gobolka Hiiraan

Published: June 13, 2022

Dagaal culus ayaa Xalay dhexmaray dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada loo yaqaano Macawiisleyda, kaasoo ka dhacay deegaanka Bacda oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Matabaan Ducaale Aadan Garaase ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalka ka dhacay deegaanka Bacda uu dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamo dadka deegaanka ah oo loo yaqaano Macawiisleey.

Guddoomiye Ducaale ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan, islamarkaana khasaare badan lagu gaarsiiyay dagaalamayaasha Al-shabaab, hayeeshee muusan sheegin inta uu dhan yahay khasaaraha gaaray Al-shabaab.

Dhinaca kale Sarkaal lagu magacaabo Xasan Faarax oo hoggaaminayay weerarkii xalay ciidamada Macawiisleyda ku qaadeen fariisin Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Bacda ee degmada Matabaan ayaa sheegay in dagaalka ay Al-shabaab kaga furteen hub farabadan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka Xalay ku dhexmaray, iyaga iyo ciidamada Macawiisleyda ah deegaanka Bacda ee gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo deegaanka Bacda oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaaladu haatan tahay mid degan, walow aan ilaa hadda la helin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka halkaasi ka dhacay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *