Dagaalkii biriqda ee Saakey ciidamada SSC ay qaadeen oo ku joogsadey magaalada Guumeys

Published: August 25, 2023
Sarkaalkii u sareeyey ciidanka somaliland oo la qabtey Gen Faysal Cabdi Bootaan

Dagaal aan noociisa horey looga arag Soomaaliya oo la qorshaynaayey muddo dheer noociisana loo yaqaan blitz, ayaa ciidamada maamulka SSC-Khaatumo maanta ku qabsadeen 6 saldhig oo ciidamada Somailand lahaayeen kuwaas oo kala ahaa Maraaga, Goojacadde, Adhicadeeye, Xargaga, Canjiid , Samakaab, Yagoori iyo Gumeys. Dagaalka oo bilowdey salaadii subax ee Jimacada ayaa soo dhamaadey 2:00 duhurnimo kadib markii ciidamdii ugu danbeeyey ee Somaliland ay dhaafeen degmada Oog.

Ciidamadii Somaliland ay ku dhaaran jirtey ayaa noqdey mid dhintey, mid la qabtey iyo mid kunahabaabey kaymaha Guumeys.

Ciidamada SSC-Khaatumo aayaa gaarey magaalada Guumeys oo 90km u jirta Laascaanood taas oo ka dhigan guushii ugu weyneyd oo saacado kooban ciidan uu gaaro.

MAXAABIISTA LA QABTEY

Ugu yaraan 150 maxaabiis ah ayaa la qabtey oo uu ku jiro Taliyihii ugu sareeyey ciidanka Somaliland ee gobolka Sool Gen Faysal Cabdi Bootaan, waxaa lala qabtey taliyaal xigeeno iyo saraakiil kale, maxaabiista waxaa kamid ahaa kuwo qaba dhaawacyo kala gediisan, waa maxaabiistii ugu badneyd ee abid dagaal looga qabto Somaliland.

HUBKA LA QABSADEY

Sida ay xaqiijinayaan maamulka SSC hubka laga qabtey ciidamada Somaliland ayaa ka badan 50 gaari oo nooca gaashaaman ah kuwaas oo ay ku jiraan Kaarayaal, beebayaal, madaafiicda goobta iyo gawaarida kale ee gaashaaman.

XAGEE KU DANBEEYEEN CIIDANKA SOMALILAND

Ciidamada Somaliland ayaa waayey fursad ay dib isugu urursadaan, waxaana ay noqdeen ciidan jabey oo la baacsanaayo taas oo keentey in xitaa saarkiishoodi gacanta lagu dhigo, sida wararku sheegayaan firxadkii ciidanka ayaa dhaafey degmada Oog.

MUUSE BIIXI MUSTAQBALKIISA

Madaxweynaha Somaliland oo uu soo gaarey jab aad u weyn oo ay u dheertahay khilaaf siyaasadeed oo maamulkiisa haysta kadib markii uu dhaafey muddo xileedkiisi doorashadana qaban waayey, ayaa isugu yeeray Madaxda ku dhaw ee maamulkaa sugu saraysa waxaana uu weydiiyey, talo taas oo noqotey in waxa ciidamo la eli karo degdeg loo abaabulo, halkii ay talo kale qaadan lahaayeen.

Dadka arrimahan ka faalooda ayaa sheegaya in Muuse Biixi Cabdi ay la gudboon tahay in uu is casilo, xukunka ku wareejiyo ku xigeenkiisa doorashadii madaxweynaha degdeg loo qabto si Somaliland ay u badbaadiyaan, haddii aanu baaskoolad qaadaneyn intuu kursigiisa ku farsiito, albaabakana soo xiran.

Horseed Media