Dagaallo culus oo ka dhacay Degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud

Published: November 9, 2022

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa Dagaal muddo saacado ah socday ku dhexmaray tuulooyinka u dhow degaanka Wabxo oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka degaanka ay weerareen degaannada u dow degaanka Wabxo oo muddo badan ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale Ciidamada ayaa u suurto gashay inay qabsadaan degaannada u dhow degaanka Wabxo, sida degaanka Ceelgorof iyo degaano kale.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo kamid ah Xildhibaannada hoggaaminaya dagaalka iyo Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay ku harereysan yihiin degaanka Wabxo oo uu sheegay inay Al-Shabaab miinooyin ku aaseen waddooyinka, isla markaana Maanta ay gudaha u galayaan.

Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ayaa dhowr jiho ka weeraray Degaannada u dhow degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud kuwaas ay heystaan Ururka Al-shabaab.

Horseed Media