Dagaalo ka dhacay nawaaxiga Ceel-Dheer

Published: December 4, 2023

Ku dhawaad 10 katirsan Alshabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida uu Sxaqiijiyay Taliyaha Ciidanka deegaanka Cabdulle Maxamuud Barre.

Howlgalkan ayaa waxaa fuliyay ciidanka deegaanka oo gacan ka helaya ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaas oo ahaa mid qorsheysan laguna beegsaday goob khawaarijta ay ku dhibaateynayeen shacabka ku dhaqan halkaas.

Taliyaha Macawisleyda degmada Ceeldheer Cabdulle Maxamuud Barre ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in howlgalka lagu dilay labo horjooge, iyadoo lagu dhaawacay horjooge Saciid Daa’uud oo AS u qaabilsan degmadaas.

Horjooge Saciid Daa’uud ayuu sheegay taliye Cabdulle Maxamuud Barre in maalin ka hor uu degmada ka kaxeestay wiil iyo Aabihiis kuwaas kamid ahaa ganacsatada degmada Ceeldheer.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo kawada gobollada Galgaduud iyo Hiiraan halkaas oo 24-tii saac ee la soo dhaafay lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka badan 70.