Dalalka Midowga Yurub oo isku khilaafay cunaqabateyn cusub oo la saaro Ruushka

Published: March 22, 2022

Shirkii Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Midowga Yurub ay Isniintii shalay ku yeesheen xaruntooda magaalada Brussels ayaa lagu guuleysan waayey inay hal siyaasad ka yeeshaan cunaqabateyn cusub oo ay saaraan Ruushka.

Midowga Yurub ayaa ku heshiiyey in sare loo qaado taageerada dhaqaale iyo militari oo ay siiyaan Ukraine oo hada gaareysa in ka badan 500 milyan oo dollar.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay sare u qaadaan miisaaniyadooda difaaca si ay uga hortagaan khatarta dalalkooda ku imaan karta.

Balse cunaqabateyn cusub oo la saaro Ruushka, qodobkaasi oo ay u ololeenayeen dalalka bariga Yurub ayaa waxaa si adag uga hortimid dowlada Germany oo sheegtay inaysan hada macquul ahayn in la joojiyo batroolka ay kasoo gataan Ruushka oo gaaraya 40% tamarta ay hada isticmaalaan.

Khamiista iyo Jimcaha soo socoda ayaa lagu wadaa in hogaamiyayaasha EU-da isugu tagaan magaalada Burssels shirkaasi oo la filayo inay go’aamo kasoo saari doonaan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galaya Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *