Damaca Turkiga, Qatar & Itoobiya ee Khayraadka Soomaaliya – Horumar mise Halis?

Published: August 4, 2020
Damaca Turkiga, Qatar & Itoobiya ee Soomaaliya

Xukuumada & Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilowgii sanadkan 2020  ansixiyey Sharciga Batroolka Soomaaliya, sharcigan oo la dadajiyey ayaa laga hormariyey sharuuc kale oo muhiim ahaa sida Sharciga Doorashooyinka, waxaa isla todobaadkii tagay Xukuumadii la riday ee Federaalka ansixisay dhismaha  Hay’ada Batroolka oo daba socda dhameystiran sharcigii Batroolka.

Golaha Wasiirada ayaa kulankoodii Khamiistii lasoo dhaafay (30 July 2020), ku ansixiyey heshiisyo Maalgashiga Turkiga iyo Itoobiya, kuwaasi oo aan wax faah faahin ah laga bixin ama aan lasoo bandhigin.

Hadaba dhaq dhaqaaqa Xawliga ku socda balse daahsoon ee ku aadan ka faa’iideysiga Khayiraadka & Batroolka Soomaaliya ayaa ah mid murran xoogan ka taagan yahay sharuucdiisa iyo waliba heshiisyada lala galay dowladaha shisheeye ee dhabarka ka riixaya Xukuumada Nabad iyo Nolol ee hada wakhtigeedii sii dhamaanayo.

Turkiga iyo Batroolka Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa bilowgii sanadkan shaaciyey in dowlada Soomaaliya ay ku marti qaaday inay ka qeyb qaadato sahminta Batroolka ku jira badda dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in Turkida ay dhawaan marti geliyaan shir looga hadli doono Iskaashiga oo sida la filayo ka qeyb geli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, hogaamiyaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Amiirka dalka Qatar Thani.

Gen.Hulusi Akar, Taliyaha Militariga Turkiga oo ku sugan Saldhiga Muqdisho

Turkida ayaa xiligan olole militari ka wada dalka Liibiya oo ay dowlada Tripoli la galeen heshiis batroolka, arrintaasi oo dab kusii shiday xiisada iyo dagaalada ka socda Liibiya, waxaana arrintan si weyn uga soo horjeeda dowlada France oo hada wada olole Midowga Yurub cadaadis ku saarayo Turkida.

Militariga Turkida ayaa saldhigooda ugu weyn ee Afrika kuleh dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu tababaro ciidamada Dowlada Federaalka, waxaana kamid ah ciidamada ay Tababraan kuwa loogu yeero Haramcadka oo si toos ah u hoos taga Villa Soomaaliya.

Dhawaan ayey soo baxeen warar sheegaya in Turkiga iyo Qatar doonayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday Eriterea la geyn doono dalka Liibiya si ay uga qeyb qaataan dagaalka halkaa ka socda, inkastoo wararkan ay beenisay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Soomaaliya.

Qatar iyo Batroolka Soomaaliya

Qoyska Boqortooyada Qatar ee iyagu la sheego inay maalgeliyeen ololihii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah awoodaha ugu muhiimsan ee xiligan hagaya siyaasada Villa Soomaaliya ee gudaha iyo dibada, Qatar ayaa sidoo kale daneenaysa batroolka iyo Gaaska ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya.

Qatar ayaa dhinaca kale wada inay kaalin ku yeelato wax loogu yeeray waan waan laga dhex bilaabi doono kooxda Al Shabaab iyo Dowlada Federaalka, walow qorshahaasi aan weli lagu guuleysan.

Doha ayaa la rumeysan yahay inay kaalin weyn ka ciyaarto xiriirka weyn ee ka dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Addis Ababa.

Itoobiya iyo Qatar

Dowlada Qatar ayaa sanadihii lasoo dhaafay xoojisay xiriirka ay la leedahay dalka Itoobiya, sanadkii 2017 labo bilood kadib doorashadii Madaxweyne Farmaajo ayuu Amiirka Qatar safarkiisii ugu horeeyey ku tagay magaalada Addis Ababa.

Qatar ayaa dooneysa inay maalgeliso beeraha dalka Itoobiya, isla markaana kula tartanto Imaaraatiga saameynta uu gobalka ku leeyahay.

Abiy Ahmed ayaa dhamaadkii sanadkii tagay 2019 safar muhiim ah ku tagay dalka Qatar, arrimaha ay ka wadahadleen ayaa u badnaa ganacsiga iyo xaalada dalka Soomaaliya.

Itoobiya iyo Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo ayaa isagu sheegay in heshiis, iskaashi iyo Isdhexgal Ganacsi la yeelanayaan dowlada Itoobiya, dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiis maalgashi oo 4 dekadood oo ku yaal Soomaaliya la gashay xukuumada Abiy Ahmed, heshiiskaasi oo aan lagu qeexin goobaha itoobiya ay maalgashan doonto iyo halkay dalka Soomaaliya uga yaalaan.

Doorashada 2020/21 iyo Mustaqbalka Farmaajo

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dadaal xoogan ugu jira siduu markale xilka ugu soo noqon lahaa ayaa doonaya xiriiradan Turkiga, Itoobiya iyo Qatar inuu u adeegsado ololihiisa doorashada, isagoo ka gadaya awoodahaasi inuu yahay hogaamiyaha kaliya ee hirgelin kara heshiisyada ay dowladiisa la gashay wadamadaasi.

Horumar mise Halis Horleh?

Waxaase weli murran xoogan ka taagan yahay Sharuucda ay Villa Somaliya marisay Golaha Shacabka ee Batroolka Soomaaliya oo ay kasoo horjeedaan dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, xili aan lagu heshiis saami qeybsiga Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah sida uu qeexayo Dastuurka Soomaaliya.

Xasilooni darada siyaasadeed ee xiligan ka jirta dalka Soomaaliya ayaa iyaduna ah mid aan la aqoon halka ay salka dhigan doonto hadii Madaxweyne Farmaajo ku adkeysto xil kororsiga uu sida weyn ugu dadaalayo.

Waxaa iyaguna meesha ka marnayn danaha dalalka reer Galbeedka oo iyagu ah kuwo dhaqaalaha ugu badan siiya Dowlada Soomaaliya, kuwaasi oo laftooda muddo dheer damac weyn uga jiray khayraadka dalka Soomaaliya, dalalkan ayaa ah kuwa bixiya dhaqaalaha ciidamada AMISOM ee illaaliya Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waxaa hubaal ah in dalka Soomaaliya u baahan yahay inuu ka faa’iideysto Khayraadka illaahay ku maneystay oo wadankan burburay gaarsiin kara Horumar, hase yeeshee Halista weyn ayaa ah in tartankan shisheeyaha ugu jiro khayraadkan uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhaxalsiin karo colaad iyo dagaalo ka duwan kuwii horey wadanka usoo maray.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *