Dawladda Mareykanka oo war ka soo saartay duqeymaha ka socda Laacsaanood

Published: February 9, 2023

Dawladda Mareykanka oo hadashay xaaladda Magaalada Laacsaanood ayaa sheegtay in aan la aqbali karin duqeymaha aan loo meeldayin ee lagu dadka rayidka ah ee magaaladaasi.

Mareykanka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka duqeymaha lagu hayo Laascaanood.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in ay waajib tahay in aan la carqaladeyn Gargaar Bini aadantinimo oo la gaarsiiyo dadka uu saameeyay dagaalka.

Warkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli ay Somaliland sheegtay in ay Argagixiso ku duqeynayaan Laascaanod.

Horseed Media