Dayac-tirka Safaarada Soomaaliya ee Masar

Published: March 11, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cabdi Siciid Muuse ayaa xariga ka jarayay dhismayaal lagu soo kordhiyay safaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar.

Wasiirka oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Masar, ayaa waxa uu ku ammaanay safiirka Soomaaliya e dalkaasi dadaalkii uu ku lahaa dib u dhiska iyo datactirka qeybo ka mid ah xaruntaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cabdi Siciid Muuse, waxaa kale oo uu ka qebgalay xaflad ka dhacday xarunta safaaradda oo loo sameeyay soo dhoweynta 200 ardat oo waxbarasho ka helay dalkaasi,

Safiirka Soomaaliya ee masar, Ilyaas Sheekh Cumar ,ayaa sidoo kale ka hadlay xafladahaasi isugu jiray soo dhoweynta ardayda iyo xarig jaridda dhismayaasha cusub.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *